Joao Felix Oo Fariin U Diray Chelsea Xilli Blues Doonayso Saxiixiisa.

Joao Felix ayaa u cadeeyay Chelsea inuu doonayo inuu si lama filaan ah ugu soo laabto Stamford Bridge.

Qorshaha suuqa kala iibsiga ee Todd Boehly ayaa isbedel weyn sameeyay kadib markii uu xalay burburay heshiis ay kula soo saxiixanayeen weeraryahan Samurodion oo ka tirsan Atletico Madrid.

20-sano jirkaan ayaa lagu waday inuu u wareego galbeedka London isagoo ka tagaya caasimadda Spain ka dib markii ay kooxuhu horay ugu heshiiyeen 34.5 milyan oo euro.

Laakiin wadahadalada ayaa burburay sababo la xiriira arrimo la soo sheegay oo ku saabsan qandaraaska Omorodion.

Si la yaab leh, Chelsea ayaa u dhaqaaqday inay dib ula soo saxiixato Felix oo ka tirsan kooxda ka dhisan La Liga heshiis ku kacayo 40 milyan oo euro.

Haatan xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal ayaa sidoo kale muujiyay rabitaankiisa ku aaddan inuu ku laabto Premier League si uu si joogto ah ugu biiro kooxda oo uu nus xilli ciyaareed amaah ah ku qaatay 2023 sida laga soo xigtay The Telegraph.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga