Alexander-Arnold, Mbappe, James, Neymar, Barkley, Ramsdale, Isak & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh.

Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Liverpool ayaa kula tartami doonta Manchester United iyo Chelsea saxiixa 19 jirka khadka dhexe ee Benfica Joao Neves, kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 102 milyan (O Jogo).

Trent Alexander-Arnold ayaa doonaya inuu saxiixo heshiis cusub oo Liverpool ah, waxaana lagu wadaa inuu heshiis cusub ka saxiixo heshiis cusub oo uu sanadkii ku qaadanayo 9 milyan (Football Insider).

Xitaa haddii Kylian Mbappe uu ku biiro Real Madrid, Rodrygo ma doonayo inuu ka tago Santiago Bernabeu, inkastoo ay xiiseynayaan Arsenal, Liverpool, Manchester City, Manchester United iyo Paris Saint-Germain (El Larguero).

Real Madrid ayaa u sheegtay maamulaha Bayer Leverkusen Xabi Alonso inuu u diyaarsan yahay inuu bedelo Carlo Ancelotti 2026, ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ayaa diiday inuu u dhaqaaqo Bayern Munich iyo Liverpool ( Matteo Moretto).

Waxay ku kici doontaa Newcastle United ama Tottenham Hotspur in ka badan 50 milyan si ay Morgan Gibbs-White uga soo kaxeeyaan Nottingham Forest xagaaga (Football Inisder).

Manchester City ayaa isku diyaarinaysa in ay dib u soo celiso baacsiga ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda West Ham United ee Lucas Paqueta dhamaadka xilli ciyaareedkan (Football Insider).

Barcelona ayaa isha ku haysa inay Chelsea ka afduubato saxiixa xiddiga 16 jirka garabka uga ciyaara Palmeiras Estevao, laguna naaneeso ‘Messinho’, kaasoo lagu burburin karo 52 milyan (Mirror).

Dharbaaxo kale oo soo gaartay Chelsea, Arsenal ayaa qorsheyneysa inay dalab ka gudbiso garabka Leeds United Crysencio Summerville (Ekrem Konur).

Man Utd iyo Man City ayaa ku dagaalami doona saxiixa daafaca midig ee Bayer Leverkusen Jeremie Frimpong, kaasoo 35 milyan lagu burburin karo qandaraaskiisa xagaagan (Sun).

Newcastle ayaa dib u soo celin doonta xiisaha ay u qabto saxiixa Goolhayaha Arsenal ee Aaron Ramsdale, oo 25 jir ah, xagaagan, iyagoo bartilmaameedsanaya goolhaye da’yar (Mail).

Real Madrid ayaa qiimaynaysa suurtogalnimada ay kula soo saxiixan karto daafaca midig ee kooxda chelsea iyo xulka qaranka England ee Reece James laakiin waxa ay filayaan in heshiis kasta oo 24 jirka ah uu noqdo mid adag sababta oo ah waxa uu haystaa afar sano oo ay kaga harsan tahay heshiiskiisa (Fichajes).

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay iska iibiso xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda ee Reece James (Sport).

Kooxda PSG ayaa wadahadalo kula jirta Reece James si ay ugu xoojiyaan kooxda (Transfer News).

Xidigii hore ee Barcelona iyo Paris St-Germain Neymar, oo 32 jir ah, ayaa qorsheynaya inuu ku laabto dalkiisa Brazil iyo Santos sanadka 2025 marka uu dhaco qandaraaska uu kula joogo kooxda Saudi Arabia ee Al-Hilal (Goal).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Newcastle ee Alexander Isak (Sun).

Kooxda Man United ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqaysa saxiixa xiddiga kooxda Ross Barkley Si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe (footballtransfers).

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga