Liverpool Oo Ogaatay Halka Waddo Ee Ay Ku Helayso Roberto Dizerbi

Kooxda Liverpool ayaa lagu Soo waramayaa in ay Ogaatay waxa ay u badantahay si ay u hesho saxiixiisa tababaraha kooxda Brighton ee Roberto Dizerbi si ay ugu badalaan Klopp.

Liverpool ayaa baadi goob ugu jirta Badalka Klopp kaas Oo ka tagaya kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa markii hore so weyn loola xidhiidhinayay xabi Alonso kaas Oo markii dambe iska diiday Liverpool si uu u Sii Joogo kooxda Leverkusen.

Kooxda Liverpool ayaa haatan dareenkooda u jeedinaysa Tababare kale De Zerbi Ayaana ka mid ah tababarayaasha lala xidhiidhinayo.

Liverpool ayaa u baahan in ay bixiso lacag 12 milyan ah si ay ugu bur-buriso heshiiskiisa Brighton

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga