Ibrahima Konate: Waa La Wada Ogyahay Kooxda Uu Mbappe Ku Biirayo.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Ibrahima Konate ayaa wax laga waydiiyay suurtagalnimada ay Liverpool ugu dhaqaaqayso saxiixa xiddiga Kylian Mbappe.

Xiddiga Mbappe oo xaqiijiyay in uu ka tagayo kooxda PSG ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Liverpool bilihii ugu dambeeyay.

Konate oo la hadlaya Canal+ ayaa u sheegay “Runtii ma ogtahay in uu halkan imanayo?waxa uu ku jawaabay Qosol”.

“Waxan qabaa in aan dhamaanteen wada ognahay halka uu tagayo”ayuu sii raaciyay.

Konate ayaa si maldahan u sheegaya in uu Mbappe ku biirayo kooxda Real Madrid oo ugu cad-cad saxiixa xiddiga Mbappe.

Wakiilada xiddiga 25 jirka ah ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo kula jiraan Los Blancos si ay heshiis ula gaadhana.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga