Rasmus Hojlund Oo Man United Ku Hogaamiyay Guul Muhiim Ah.

Manchester United ayaa sii wadatay natiijooyinkeedii fiicnaa mudooyinkan dambe, waxayna guul qiimo leh ka gaadhay dhigeeda Luton Town.

Kulanka ayaa ka tirsanaa horyaalka premier League waxana ay ku garaaceen Luton 2/1 iyaga oo uga mahad celinaya xiddiga Rasmus Hojlund.

Manchester United ayaa wax ka yar hal daqiiqo sugtay in ay hesho goolka furitaanka waxaana u dhaliyay Rasmus Hojlund.

Xiddiga Hojlund ayaa mar kale soo laabtay isaga oo dhaliyay goolkii 2-aad isaga oo kooxdiisa u dheereeyay hogaanka ciyaarta daqiiqadii 7-aad.

Kooxda Luton Town ayaa soo yaraysay goolasha daqiiqadii 14-aad ee ciyaarta.

Manchester United ayaa dhibaato wayn kala kulantay ciyaartii maanta kadib goolkii kooxda Luton Town oo si wayn iskugu dayay in ay dib uga soo laabato natiijada ciyaarta.

Laakiin sabab la xdihiidha daafaca Manchester United darteed, Red Devils ayaa ku guuleysatay inay la timaado seddexda dhibcood.

Natiijadaas, Manchester United ayaa sare u qaaday dhibcaheeda iyadoo ku jirta kaalinta lixaad iyaga oo leh 44 dhibcood.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga