Iska Ilow Salah Iyo Haaland, Xiddigaha Ugu Goolasha Badan Sanadka 2024 Oo La Soo Saaray.

Horyaalka premier League ayaa meel xiiso leh maraya iyada oo kooxaha iyo xiddiguhu wacdaro dhigayaan sanadka 2024.

Xiddigo badan ayaa si cajiib ah ku bilowday sanadka cusub iyaga oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah.

Laba xiddig oo kaliya ayaa ilaa haatan u muuqda in bilowga sanadka cusub u yahay mid cajiib ah.

Xiddigaha Rasmus Hojlund iyo Bukayo Saka ayaa wacdaro dhigay sanadka 2024 ilaa haatan.

Labada xiddig ayaa door weyn ka ciyaaray guulaha kooxdooda ee horyaalka premier League sanadka cusub.

Xiddigaha Rasmus Hojlund iyo Bukayo Saka Ayaa ah xiddigaha ugu goolasha badan sanadka 2024 ilaa haatan.

Rasmus Hojlund iyo Bukayo Saka ayaa dhaliyay min 6 gool ilaa haatan sanadka 2024.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga