
Xiddiga Bayern Munich ee Harry Kane ayaa dhaafay Weyne Rooney isaga oo noqday xiddiga reer England ee ugu goolasha badan taariikhda champions League.
Bayern Munich ayaa si weyn ku bilaabatay tartanka champions League waxana ay 9/0 ku xasuuqeen kooxda Dinamo Zagreb kulan ka dhacay garoonka Allianz Arena.
Kane ayaa dhaliyay goolka furitaanka 20-kii daqiiqo ee ugu horeeyay ka hor inta uuna dhalin 3 gool oo kale.
Markii hore Rooney ayaa ahaa xiddiga ugu goolasha badan champions Leageu ee ka soo jeeda England isaga oo dhaliyay 30 gool.
Laakiin goolashii uu Kane dhaliyay ayaa ka caawiyay in uu noqdo xiddiga ugu goolasha badan isaga oo dhaliyay 33 gool tartanka.
Be the first to comment