Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa digniin culus u diray kooxaha ay xilli ciyaareedka cusub ku tartami doonaan, kaddib markii Arsenal ay si xooggan uga adkaatay Manchester City, taasoo ku timid Community Shield-ka.
Arsenal ayaa ciyaarta si cajiib ah ku bilaabatay, iyadoo Riccardo Calafiori uu gool dhaliyay 23 ilbiriqsi oo keliya kaddib bilowgii ciyaarta. Gunners ayaa intaas kadib sii waday cadaadiska, waxaana goolasha kale u kala dhaliyay Kai Havertz iyo Martin Ødegaard.
Guushan ayaa Arteta iyo ciyaartoydiisa siisay kalsooni dheeraad ah, gaar ahaan iyadoo Arsenal ay xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay Premier League, isla markaana ay dooneyso inay noqoto kooxdii ugu horreysay ee taariikhda kooxda ku guuleysata horyaalka Premier League laba xilli ciyaareed oo isku xiga.
Arteta ayaa sheegay in difaacidda horyaalka ay u baahan tahay wax gaar ah, balse Arsenal ay diyaar u tahay caqabadda.
“Waxaan ognahay waxa ay tani naga rabto, waxaan ognahay sida ay u adag tahay, Taasi waa sababta aanan waligeen kooxda ugu guuleysan laba jeer oo isku xigta. Laakiin waan u dagaallami doonnaa.”
Kabtan Martin Ødegaard isaguna wuxuu sheegay in Arsenal ay muujisay heerkeeda isla markaana ay diyaar u tahay inay mar kale ku dagaallanto koobabka.
“Waxaan rabnaa inaan mar kale sameyno, markaad dhadhamiso sida ay u qurux badan tahay guushu, waxaad rabtaa inaad mar kale ku celiso, Waxaan rabnaa inaan wax walba ku guuleysanno.” ayuu yiri
Arteta ayaa sidoo kale amaanay sida ciyaartoydiisu uga go’an tahay inay xilli ciyaareedka si xooggan ku bilaabaan, qaar ka mid ah ciyaartoyda Arsenal ayaa kaliya toddobaadkan kusoo laabtay tababarka, laakiin waxay doonayeen inay qayb ka noqdaan kulanka.
Tababaraha Arsenal wuxuu sheegay in guusha ay ka dhalatay diyaar garowgii kooxda iyo rabitaanka ciyaartoyda waxa uu yiri:-
“Waxaan u sheegay ciyaartoyda inaan aad ugu riyaaqay daawashadooda. Heerkan waa waxa laga filayo Arsenal, haddii aan heerkan sii wadno, waxaan noqon doonnaa koox aad u tartan badan.”
Arsenal ayaa sidaas ku dirtay fariin cad oo ku socota kooxaha kale: Gunners ma doonayaan inay ku ekaadaan hal koob — waxay doonayaan inay xilli ciyaareedka cusub weeraraan dhammaan tartamada.
Be the first to comment