Enzo Maresca ayaa xaqiijiyay in Manchester City ay tallaabo ka qaadi doonto suuqa kala iibsiga ka hor inta uusan xirmin suuqa xagaaga.
Hadalkan ayaa yimid kadib markii City ay 3-0 kaga hartay Arsenal ciyaartii Community Shield, iyadoo kooxda Pep Guardiola ay weli raadineyso xoojin cusub ka hor bilowga xilli ciyaareedka Premier League.
Manchester City waxay horraantii toddobaadkan haysatay fursad ay ku heli karto Enzo Fernández, iyadoo Chelsea ay diyaar u ahayd inay ciyaaryahanka ku fasaxdo £120 milyan, Si kastaba, City ma aysan gudbin dalab rasmi ah ka hor waqtigii loo qabtay ee ahaa 5:00 galabnimo Jimcihii.
Maresca markii wax laga weydiiyay qorshaha City ee maalmaha soo socda ayaa sheegay in kooxda ay horey u ogayd meelaha ay u baahan tahay inay xoojiso, isla markaana aysan go’aankeeda ku salayn guuldarradii Arsenal, Wuxuu si cad u yiri: “Waxaan si fiican u ognahay waxa aan u baahan nahay inaan sameyno, waxaana hubaal ah inaan wax qaban doonno ka hor inta uusan suuqu xirmin.”
Hadalkan ayaa sii kordhinaya suurtagalnimada in Manchester City ay weli suuqa ka raadinayso khad dhexe oo cusub, gaar ahaan iyadoo mustaqbalka Rodri uu weli yahay arrin muhiim ah.
Waxaa sidoo kale la weydiiyay Ayyoub Bouaddi, oo ah ciyaaryahan khadka dhexe uga ciyaara Lille, kaasoo loo arko mid ka mid ah xulashooyinka kale ee City haddii heshiiska Enzo Fernández uusan hirgelin, Maresca wuxuu sheegay in Bouaddi uu weli yahay ciyaaryahan Lille ah, balse uu doorbidayo in ciyaartoy cusub kooxda lagu soo daro sida ugu dhakhsaha badan, maadaama Premier League uu bilaabanayo toddobaadka soo socda.
Be the first to comment