DEG DEG Juventus oo si rasmi ah Heshiis ula gaartay goolhaye weyn waa kuma ?

Kooxda Juventus ayaa heshiis la gaartay Tottenham Hotspur si ay ula soo wareegto goolhaye Guglielmo Vicario, iyadoo heshiiska loo marayo qaab amaah ah.

Tottenham ayaa aqbashay dalabka Juventus ee ah in Vicario lagu diro amaah, waxaana heshiiska lagu daray qodob u oggolaanaya Juventus inay si rasmi ah u iibsato ciyaaryahanka marka muddada amaahdu dhammaato.

Qodobkaas iibka ah ma aha mid qasab ah, taasoo ka dhigan in Juventus aysan waajib ku ahayn inay si joogto ah u iibsato goolhayaha.

Vicario ayaa isaguna doonayay inuu u dhaqaaqo Juventus, waxaana la filayaa inuu maanta ka tago Tottenham si uu ugu biiro kooxda reer Turin.

Juventus ayaa sidaas ku heli doonta goolhaye cusub, iyadoo Vicario uu hadda diyaar u yahay inuu bilaabo cutub cusub oo xirfaddiisa ah gudaha Serie A.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga