
U dhaqaaqista Bryan Mbeumo ee Manchester United ayaa ku sii dhawaaneysa in la dhamaystiro ka dib markii ay kooxdu soo gudbisay dalab labaad oo ku kacaya 60 milyan oo euro.
Mbeumo ayaa muddo dheer lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo United, iyadoo ciyaaryahanka reer Cameroon uu doorbiday kooxda Ruben Amorim.
United ayaa bilowgii bishaan dalab 45 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga laakiin Brentford ayaa diiday dalabkaas iyadoo kooxda ay heysato fursad ay ku kordhiso qandaraaska Mbeumo, kaasoo dhacaya June 2026.
United ayaa hadda la soo laabatay dalab labaad, kaasoo ku dhow qiimaha Brentford.
Kooxda Brentford ayaa dooneysa lacag ku dhow 62.5 milyan oo United ay Wolves kaga soo iibsatay Matheus Cunha.
Be the first to comment