Gooldhalinta Tartanka La Liga Oo Meel Xiiso Leh Maraya

Laacibka reer Brazil ee Rafinha ayaa kor u qaaday goolashiisa horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedka 2024-2025, ka dib markii uu dhaliyay gool kulankii ay kooxdiisa Barcelona la ciyaartay Espanyol.

Barcelona iyo Espanyol ayaa isaga hor yimid kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkiisii 12-aad.

Raphinha ayaa dhaliyay goolka daqiiqadii 23-aad waxana uu kor u qaaday goolashiisa horyaalka La Liga.

Xiddiga Raphinha ayaa goolashiisa kor ugu qaaday 7 gool waxana uu ku jiraa kaalinta 2-aad isaga oo ka dambeeya xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Robert Lewandowski oo leh 14 gool.

  1. Robert Lewandowski, Barcelona, ​​14 gool.
  2. Rafinha, Barcelona, ​​7 gool.
  3. Ayoze Perez, Villarreal, 7 gool.
  4. Ante Budimir, Osasuna, 6 gool.
  5. Kylian Mbappe, Real Madrid, 6 gool.
  6. Lamine Yamal, Barcelona, ​​5 gool.
  7. Vinicius Junior, Real Madrid, 5 gool.
  8. Lou Celso, Real Betis, 5 gool.
  9. Dodi Lukebakio, Sevilla, 5 gool.
  10. Dani Olmo, Barcelona, ​​4 gool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga