Gary Neville Oo Qiimeeyay Fursadaha Chelsea Ee Final-ka Carabao Cup-ka.

Qaab ciyaareedka Liverpool ayaa ‘ku haboon’ Chelsea, kooxda Mauricio Pochettino ayaa fursad dhab ah u haysata in ay Reds ku garaacdo finalka EFL Cup-ka.

Taasi waa sida uu qabo halyeeyga Manchester United Gary Neville, kaasoo dareemaya qaab ciyaareedkii Chelsea ee Sabtidii Manchester City inuu bedelay midabka ciyaarta ee Wembley.

Kooxda Pochettino ayaa barbaro u qalantay kala soo laabatay Etihad, ka dib markii ay 3-1 kaga badiyeen Crystal Palace habeenkii Isniinta.

Iyadoo Liverpool ay weli hogaanka u heyso horyaalka ka dib markii ay 4-1 kaga badisay Brentford sabtidii, guushii ka dhacday galbeedka London.

Reds ayaa dhaawac ku lumisay Diogo Jota, Darwin Nunez iyo Curtis Jones intii lagu guda jiray guusha, halka Alisson Becker iyo Trent Alexander-Arnold haatanba maqan yihiin.

Neville ayaa sheegay in kulamadii todobaadka ay u fiicnaayeen kooxda chelsea oo haatan fursad u haysata kulanka Wembley.

“Waxan qabaa in uu kulanku furan yahay”ayuu Neville yidhi.

“Taageerayaasha, Xiddigaha Liverpool iyo shaqaalaha Liverpool ayaa eegi doona qaab ciyaareedkii chelsea ee kulankii chelsea waxana ay dareemayaan in ay haystaan xiddigo si fiican u ciyaari kara”.

“Marka eegto dhaawaca Nunez, Jota iyo Jones sidoo kale ay horay uga maqnaayeen Trent Alexander-Arnold waxa ay Liverpool noqonatay kuwo jilicsan”.

“Liverpool ayaa ugu cad-cad in ay badiyaan kulanka laakiin chelsea waxa ay haystaan fursad fiican waxana ay muujiyeen markii ay la ciyaareen Man City”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga