WARBIXIN: 4 Sabab Oo Ay Chelsea Ugu Kalsoonaan Karto In Ay Garaacdo Liverpool Final-ka Carabao Cup-ka.

Kooxaha Chelsea iyo Liverpool ayaa galabta Axad ku dagaalami doona hanashada koobkii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan marka ay isaga hor yimaadaan finalka EFL Cup-ka.

Labada kooxood ayaa u safri doona garoonka Wembley Stadium isla markaas koox walba doonayso in ay ku guulaysato koobkeedii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan.

Warbixintan waxan ku soo bandhigi doonaa sababo ay chelsea ugu kalsoonaan karto in ay garaacdo Liverpol.

1.Qaab Ciyaareedkii Kulankii Ay Liverpool Kula Ciyaartay Stamford Bridge:

Kulankii ugu horeeyay ee Rasmi ah ee uu Mauricio Pochettino hogaamiyay chelsea waxa ay ka hor yimaadeen Liverpool bilowgii xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee chelsea ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican iyaga oo iska celiyay Liverpool isla markaas bar-baro kala baxay kulanka.

2.Rikoodhkooda Kulamada Kooxaha Waaweyn:

Chelsea ayaa guuldaro 4/1 ah kala kulanta Liverpool laakiin waa 2 guuldaro oo ay chelsea kala kulantay kooxaha waaweyn.

Blues ayaa bar-baro la gashay kooxaha Arsenal, Man City kuwaas oo marti u ahaateen halka kulanka dambe 2 gool ku hor mareen.

3.Kalsoonida Kooxda oo Koraysa:

4 maalin kadib markii ay guuldaro 4/1 ah kala kulantay Liverpool hadana waxa ay guuldaro 4/2 ah kala kulmeen Wolves.

Si kasta ha ahaatee chelsea ayaa badisay laba kulan oo xidhidh ah ka hor inta ayna bar-baro la galin Man City waxana ay kulamadii ugu dambeeyay soo bandhigeen kalsooni koraysa.

4.Dhaawacyada Liverpool:

Liverpool ayaa war xun ka heshay xaalada dhaawac ee Curtis Jones & Diogo Jota kuwaas oo la xaqiijiyay in ay seegi doonaan kulanka.

Waxa intaas sii dheer in uu shaki ku jiro taam ahaanshaha xiddigaha Darwin Nunez & Mohamed Salah halka sidoo kale la xaqiijiyay in Alisson iyo Arnold seegi doonaan kulanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga