Kulanka Ugu Horeey Ee Uu Xabi Alonso Hogaamin Doono Chelsea Oo La Ogaaday.

Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah u shaacisay kulankii ugu dambeeyay ee safarkooda diyaar-garowga xilli ciyaareedka cusub ee Asia iyo Oceania.

Blues-ka ayaa booqan doona Australia, Hong Kong iyo Indonesia, taasoo noqon doonta safarkoodii ugu horreeyay ee isku diyaarnta xilli ciyaareedka cusub  ee uu hoggaaminayo tababaraha cusub Xabi Alonso, kaas oo shaqada si rasmi ah u bilaabi doona 1-da July kadib markii loo magacaabay Axaddii lasoo dhaafay.

Hadda Chelsea waxay faahfaahin ka bixisay kulan ka dhici doona Malaysia, kaasoo soo gabagabeyn doona safarkooda.

Salaasa, 11-ka August saacadda 8:00 fiidnimo waqtiga maxalliga ah, Chelsea waxay wajihi doontaa kooxda horyaalka Malaysia ee Johor Darul Ta’zim, kuwaas oo xilli ciyaareedkan guuleystay dhammaan 24-kii kulan marka laga reebo hal barbaro, iyagoo dhammeystay xilli ciyaareed aan laga badin isla markaana leh farqi goolal ah +107.

Kulanka ayaa lagu ciyaari doonaa magaalada Iskandar Puteri ee dalka Malaysia, gaar ahaan garoonka caanka ah ee Sultan Ibrahim Stadium, kaasoo la furay sanadkii 2020 islamarkaana qaadi kara ilaa 40,000 oo taageerayaal ah.

Waxay noqon doontaa markii ugu horreysay ee Chelsea ay ku ciyaarto Malaysia tan iyo 2013, sidoo kale waa markii ugu horreysay ee ay kulan ku ciyaaraan meel ka baxsan magaalada caasimadda ah ee Kuala Lumpur intii ay dalkaas joogeen.

Jadwalka safarka isku diyaarnta xilli ciyaareedka cusub ee Chelsea

Salaasa, 28 July: Western Sydney Wanderers vs Chelsea — Accor Stadium, Sydney, Australia

Sabti, 1 August: Tottenham Hotspur vs Chelsea — Accor Stadium, Sydney, Australia

Arbaca, 5 August: Juventus vs Chelsea — Kai Tak Stadium, Hong Kong

Sabti, 8 August: AC Milan vs Chelsea — GBK Stadium, Jakarta, Indonesia

Talaado, 11 August: Johor Darul Ta’zim vs Chelsea — Sultan Ibrahim Stadium, Iskandar Puteri, Malaysia.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga