Virgil van Dijk Oo Digniin U Diray Chelsea Ka Hor Kulanka Final-ka Carabao Cup.

Virgil van Dijk ayaa uga digay Chelsea inaysan dhayalsanin kooxdiisa Liverpool ee uu dhaawacu rakaadiyay ka hor finalka Carabao Cup.

Labada kooxood ayaa ku kulmaya garoonka Wembley Axadda, iyadoo Liverpool ay dooneyso inay ku guulaysato champions League si ay ugu macaslaaameeyaan Klopp.

Dhanka kale Chelsea ayaa dooneysa inay ku guuleysato koobkeedii ugu horeeyay ee Mauricio Pochettino, taasoo si wanaagsan u badbaadin karta shaqada tababaraha ka dib xilli ciyaareed aad u liita.

Ciyaarta ayaa sidoo kale noqon doonta markii ugu horeysay ee Van Dijk uu kooxdiisa ku hogaamiyo final weyn isagoo la wareegay kabtanka Reds xagaagii hore ka dib bixitaankii Jordan Henderson.

Laakiin Liverpool ayaa ku jirta xaalad dhawac iyada oo xiddigo badan dhaawac uga maqan yihiin.

Ugu yaraan 10 xiddig ayaa haatan dhaawac uga maqan isla markaas seegi doona kulanka waxana ka mid ah Trent Alexander-Arnold, Alisson Becker, Diogo Jota & Curtis Jones.

Sidoo kale xiddigaha Mohamed Salah, Darwin Nunez & Dominik Szoboszlai ayuu shaki ku jiraa taam ahaanshohooda.

Van Dijk ayaa sheegay in aysan chelsea dhayalsan kooxda dhaawacyadu rakaadiyeen ee Liverool.

“Waxan u malaynayaa in xiddigaha taamka ah in ay kor u qaadaan qaab ciyaareedkooda isla markaas muujiyaan in ay dadku ku khaldan yihiin in ay dadku aaminaan in ay Liverpool dhibaatoon doonto”.

“Hadii ay na dhayalsadaan kadib way dhibaatoon doonaan, waxan qabaa in aan leenahay tayo aan ku garaaci karno kooxaha”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga