Difaaca Arsenal, Gabriel Magalhaes, ayaa ka hadlay xanuunka uu dareemayo kadib markii uu qasaariyey rigooradii muhiimka ahayd ee finalka UEFA Champions League, halkaas oo Arsenal looga adkaaday Paris Saint-Germain sabtidii.
Arsenal ayaa inta badan ciyaarta hoggaanka haysay kadib goolkii hore ee Kai Havertz.
Laakiin Ousmane Dembele ayaa PSG u barbareeyay ciyaarta isagoo rigoore dhaliyay kadib markii Cristhian Mosquera uu qalad ku galay Khvicha Kvaratskhelia.
Ciyaartu waxay ku dhammaatay 1-1 kadib 120 daqiiqo, waxaana lagu kala baxay rigoorayaal.
Gabriel ayaa qasaariyay rigooradii shanaad ee Arsenal kadib markii Eberechi Eze uu isaguna dibadda u tuuray rigooradiisii.
Gabriel ayaa bartiisa Instagram ku qoray:
“Waa xanuun badan, laakiin waxaan ku faanayaa kooxdan iyo wax walba oo aan wada gaarnay xilli ciyaareedkan.”
“Waad ku mahadsan tihiin taageerayaasheenna cajiibka ah taageeradiinna tallaabo kasta. Waxaad mudan tihiin inaad nala dabaaldegtaan safarkan iyo inaad ku raaxaysataan dabaaldegyada maanta.”
“Waxaan is arki doonnaa xilli ciyaareedka dambe!!! Jacayl badan, Big Gabi ❤️”
Gabriel ayaa muujiyay murugo ku saabsan rigoorada uu qasaariyay, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay inuu ku faanayo kooxda iyo wixii ay gaareen xilli ciyaareedkan.
Be the first to comment