Foden, Toney, Son, Gallagher, Palhinha, Salah & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh.

Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Milkiilaha Kooxda Man United Sir Jim Ratcliffe ayaa ogolaaday in ay kooxdiisu lacag dhan 100 milayn oo euro kula soo saxiixato xiddiga kooxda Benfica ee Joao Neves (Mirror).

Kooxda Brentford ayaa ku qasbanaan doonta in ay hoos u dhigto qiimaha ay ku iibinayso xiddiga Ivan Toney (Mirror).

Manchester City iyo Liverpool ayaa diyaar u ah inay ku dagaalamaan saxiixa garabka Wolves Pedro Neto xagaagan (Telegraph).

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee West Ham Lucas Paqueta ayaa noqon kara ciyaaryahanka Manchester City ay dooneyso hadii Bernardo Silva uu ka tago Etihad dhamaadka xilli ciyaareedkan (Telegraph).

Xiddiga ku fashilmay Manchester United Donny van de Beek ayaa la filayaa inuu ku soo laabto Old Trafford xagaagan ka dib markii uu ku guuldareystay inuu soo jiito Eintracht Frankfurt intii uu amaah ku joogay Germany (Star).

Tottenham ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Athletic Bilbao Nico Williams, kaasoo horey loola xiriirinayay kooxaha reer London ee Arsenal iyo Chelsea (Star).

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Phil Foden, oo 23 jir ah, ayaa qarka u saaran inuu wadahadalo la bilaabo Manchester City si uu heshiis cusub uga saxiixo kaasoo ka dhigi kara mid ka mid ah kuwa ugu mushaharka badan kooxda (Football Insider).

Manchester United waxa ay doonaysaa in ay xagaaga keento daafac da’yar oo ka ciyaara garabka bidix waxana ay soo saari doontaa liiska marka la dhamaystiro qaab dhismeedka cusub ee maamulka kooxda (Fabrizio Romano)

United ayaa sidoo kale rajeyneysa inay lasoo wareegto 18-jirka reer France daafaca dhexe Leny Yoro waxaana laga yaabaa inay bixiso 41 milyan (Teamtalk).

Mohamed Salah ayaa sheegay in tababare Jurgen Klopp ka tagistiisa Liverpool uusan saameyn ku yeelan doonin mustaqbalkiisa (Sky Sports).

Liverpool iyo Arsenal ayaa kor u qaaday xiisaha ay u qabaan xiddiga khadka dhexe ee kooxda Fulham iyo xulka qaranka Portugal ee Joao Palhinha laakiin Bayern Munich oo isku dayday saxiixa 28 jirka xagaagii hore ayaa wali xiiso u qabta (Teamtalk).

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga