DEG-DEG: Mohamed Salah Oo Laga Reebay Waajibaadka Xulkiisa Masar Fasaxa Xulalka, Sabab.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa laga reebay waajibaadka xulka qarankiisa Masar fasaxa xulalka ee bishan.

Xiddiga reer Masar ayaa la dhibaatoonayo dhaawac xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya ciyaaray 35 daqiiqo tan ilaa bilowgii sanadkan.

Salah ayaan joogto ugu ciyaarin kooxdiisa tan ilaa markii uu ka soo laabtay waajibaadka xulka qarankiisa koobkii Africa ee bilowgii sanadka cusub.

Dhamaadkii todobaadkii hore ayay kooxda Liverpool fariin codsi ah u dirtay xulka Masar iyaga oo ka codsaday in aanay Salah uga yeedhin waajibaadka xulkiisa.

Xulka Masar ayaa u muuqda mid aqbalay dalabkii uga yimid kooxda Liverpool ka hor kulamada caalamiga ah ee todobaadka dambe.

Xidhiidhka masar ayaa shaaciyay in ay ka reebeen Salah waajibaadka xulkiisa si uu u helo nasasho inta lagu jiro fasaxa xulalka ee todobaadka dambe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga