Erik ten Hag Oo Ka Hadlay Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Chelsea.

Tababaraha Kooxda Man United ee Erik ten Hag ayaa ka hadlay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Chelsea kulan ka tirsanaa premier League.

Kooxda Man United ayaa guuldaro 4/3 ah kala kulantay chelsea kulan ka dhacay Stamford Bridge ku tirsanaa horyaalka premier League.

“Waxaan u qalanay inaan badino kulankaan. Laakin ma samayn kartid wixii aad samaysay”ayuu yidhi.

“Waxaan ku bilownay si liidata, anagoo bixinayna kubada oo aan si liidata u difaacnay labadii gool ee ugu horeysay, ka dibna waan maamulnay ciyaarta, waxaana aheyn kuwa cajiib ah”.

Man United ayaa la kulantay dhirbaaxo ku saabsan tartanka ay ugu jirto boosaska loogu soo boxo champions League xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga