Ka soo muuqashada Martin Odegaard ee North London Derby ayaa shaki weyn ku jiraa iyadoo tababaraha xulka qaranka Norway ee Ståle Solbakken uu sheegay in dhaawaca soo gaadhay xiddiga uu halis yahay.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal ayaa laga saaray qeybtii labaad ee ciyaartii xulkiisa ee UEFA Nations League ay la ciyaareen Austria Isniintii.
Waxaa garoonka ka caawiyay shaqaalaha caafimaadka isagoo aad u xanuunsanaya.
Odegaard Ayaa xitaa isku dayay in uu ilmada ceshado waxana jira wal-wal weyn oo laga qabo xaalada xiddiga kubad sameeyaha ah.
Isagoo hadlayay ciyaarta ka dib, tababaraha Norway Solbakken ayaa yiri: “Waxay u muuqatay mid xun qolka labiska sidoo kale. Ma lahayn dareen uu ku sii wado. Ma hubo in Arteta uu i soo wici doono caawa oo uu i ammaani doono”.
Dhanka kale, dhakhtarka Norway Ola Sand ayaa sidoo kale bixiyay war cusub. Sida laga soo xigtay TV2, wuxuu yidhi: “Waxa jira barar yar oo kuraanta ah, waan eegi doonaa waxa aan istcimaali doonaa baadhitaan dheeraad ah si aan u ogaano xaaladiisa”.
Be the first to comment