
Siddeed ciyaartoy ayaa isugu soo haray abaal marinta xidigii ugu fiicnaa horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, iyadoo saddex xidig oo Liverpool ah ay soo baxeen.
Reds ayaa ku guuleysatay horyaalka xilli ciyaareedkii ugu horreeyay ee Arne Slot uu hogaaminayay kooxda, taasoo kasbaday ninka reer Holland in loo magacaabo Liiska tababarayaasha u tartamaya tababaraha ugu fiican xilli ciyaareedka.
Saddexda ciyaartoy ee Liverpool ee ka mid ah Liiska xiddigaha u tartamaya abaalmarinta ayaa kala ah Ryan Gravenberch, Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk.
Xiddigaha kale ee 5-ta ah ee la tartamaya xiddigaha Liverpool ayaa kala ah Phil Foden, Declan Rice, Morgan Gibbs-White, Alexander Isak Iyo Bryan Mbeumo.
Be the first to comment