
Tababaraha Liverpool Arne Slot ayaa hogaaminaya musharixiinta u sharaxan abaal marinta tababaraha ugu fiican Premier League.
Tababaraha reer Holland Slot ayaa ku riyaaqay ololihii ugu horeeyay ee kubada cagta Ingariiska tan iyo markii uu ka tagay Feyenoord si uu u bedelo halyeeyga Reds Jurgen Klopp xagaagii hore, isagoo kaliya gaarsiiyay horyaalkii labaad ee Premier League ee Anfield markii ugu horeysay ee la weydiiyo.
Horyaalkii ugu horeeyay ee Liverpool tan iyo xilli ciyaareedkii 2019/2020 ayaa loo caleemo saaray iyada oo 4 kulan dhimantahay.
TababaRe Slot waxa liiska kula biiray tababaraha Newcastle Eddie Howe kaas oo kooxda ku hogaamiyay ku guulaysiga Carabao cup-ka.
Tababaraha Nottingham Forest Nuno Espirito Santo ayaa sidoo kale ku jira liiska isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay u soo baxdo tartamada yurub.
Sidoo kale waxa ku jira Liiska tababaraha Brentford ee Thomas Frank kaas oo ay kooxdiisu wacdaro dhigtay xilli ciyaareedkan.
Waxa ugu dambeeya Liiska tababaraha Kooxda Wolves ee Vitor Pereira kaas oo kooxda ka caawiyay in ay ku sii negaado premier League.
Be the first to comment