DEG-DEG: Vncent Kompany Oo Loo Magacaabay Tababaraha Cusub Ee Bayern Munich.

Kooxda Bayern Munich ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay tababare cusub ka dhigatay Vincent Kompany.

Vincent Kompany ayaa badalay Tuchel oo isaga tagay shaqada tababaranimo ee kooxda Bayern Munich kadib dhamaadkii Xilli ciyaareedka.

Kompany ayaa qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2027 ah waxana uu kooxda hogaamin doonaa bilowga xilli ciyaareedkan.

Bayern ayaau leexatay dhinaca Vincent Kompany kadib markii ay ku dhibaatootay in ay hesho tababare kale todobaadyadii ugu dambeeyay.

vincent Kompany: “Waxaan isha ku hayaa loolanka FC Bayern, waa sharaf weyn inaan awoodo inaan u shaqeeyo kooxdan – FC Bayern waa machad ka tirsan kubada cagta caalamiga ah.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga