DEG-DEG: Real Madrid Oo Xaqiijisay In Qaliin Kale Lagu Sameeyay Thibout Courtois

Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay in Goolhayaha Thibaut Courtois maray qaliin lagu guulaystay.

Arintan ayaa timid kadib markii uu xiddigu mar kale ka dhaawacmay jilibka isaga oo ku soo laabtay tababarka kooxdiisa.

Thibaut Courtois kooxdiisa Real Madrid ka maqnaa tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha dhaawac jilibka ah oo soo gaadhay.

Xiddiga ayaa la filayay in uu shaxda kooxdiisa ku soo laabto kadib fasaxa caalamiga ah ee dhamaadka bishan.

Laakiin xiddiga ayaa dib u dhaawacmay xilli uu ku jiro tababarkii soo kabashada dhaawaca uu qabay.

War rasmi ah oo kasoo baxay Real Madrid ayaa lagu yidhi: “Thibaut Courtois waxa uu maray qaliin lagu guulaystay maanta kaas oo looga sameeyay jilibka lugta Midig”.

“Courtois wuxuu bilaabi doonaa habsocodka soo kabashada maalmaha soo socda”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga