DEG-DEG: Mbappe Oo Go’aanka Ka Tagistiisa Ku War Galiyay Kooxda PSG.

Kylian Mbappe ayaa lagu soo waramayaa inuu ka tagi doono Paris-Saint Germain marka uu qandaraaskiisa kooxda Ligue 1 dhaco xagaagan.

Wargayska Athletic ayaa sheegay in uu Mbappe madaxweynaha PSG ku war galiyay in uu ka tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa maamulka PSG u sheegay in uu isaga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda.

Xiddiga reer France ee Mbappe ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisii kooxda ka dhisan caasimada France.

Kylian Mbappe ayaa lagu soo waramayaa in uu qaab xor ah ugu biiri doono kooxda uu doonayo marka uu dhoco heshiiskiisa.

Xiddiga Mbappe ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxo waaweyn oo ka mid ah Liverpool, Arsenal iyo Real Madrid.

Laakiin Real ayaa lagu soo waramayaa in ay ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga