Erik ten Hag Oo Ka Warbixiyay Xaalada Luke Shaw, Miyuu Ciyaari Doonaa Kulanka Luton?

Tababaraha kooxda Manchester United Erik ten Hag ayaa sheegay in Luke Shaw uu diyaar u noqon doono kulanka Axada ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Luton Town.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa la bedelay intii nasashada kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Aston Villa isbuucii hore, iyadoo bedelka lagu sameeyay taxadar sababtoo ah xoogaa xanuun ah oo daafaca uu dareemayay.

Shaw ayaa kaiya ciyaaray 14 kulan xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha dhaawacyo soo gaadhay waxana jirtay cabsi laga qabay xaaladiisa kadib dhaawacii kulankii Aston Villa.

Si kasta ha ahaatee Ten Hag ayaa sheegay in uu xiddiga 28 jirka ah fursad u haysto in uu ka qayb ahaado kulanka Axada ee Luton.

“Luke shaki ayaa ku jira kulanka Luton laakiin rajo ayaan leenahay”ayuu Ten Hag yidhi.

“Waxa aan rajaynaynaa in uu diyaar u noqon doono kulana Axada”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga