DEG-DEG: Liverpool Oo Dalab Rasmi Ah Miiska U Saartay Xabi Alonso, Imisa Ayay Ka Saxiixanaysaa.

Kooxda Liverpool ayaa u muuqata kuwo durba bilaabay dadaaladooda tababaraha cusub ee kooxda.

Liverpool ayaa ogsoon in Jurgen Klopp ka tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xabi Alonso ayaa noqday dookha 1-aad ee Liverpool si ay ugu badasho Klopp dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Wargayska TeamTalk, Liverpool ayaa dalab Rasmi ah miiska u saartay tababaraha reer Spain.

Wargayska ayaa sheegaya in ay Liverpool heshiis 3 sano ah miiska u saartay tababaraha reer Spain.

Liverpool ayaa ku qanacsan in uu Alonso yahay tababaraha kaliya ee buuxin kara booska uu banayn doono Klopp.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga