BREAKING:- Goormaa Rodri uduulayaa Magaalada Barcelona & Tijaabada caafimaadka

Barcelona ayaa qaaday tallaabo weyn oo ku aaddan saxiixa xiddiga reer Spain ee Rodri, iyadoo ciyaaryahanka lagu wado inuu maanta oo Isniin ah u safro magaalada Barcelona si loo dhameystiro heshiiskiisa.

Manchester City ayaa Rodri siisay fasax uu maanta uga safri karo magaalada Manchester, kaddib markii Barcelona ay dirtay dhammaan dukumentiyadii looga baahnaa si heshiiska loo soo gabagabeeyo.

Sida qorshuhu yahay, Rodri ayaa lagu wadaa inuu fiidkii gaaro Spain, iyadoo Barcelona ay u diyaarisay duulimaad gaar ah oo uu ku tagayo magaalada.

Dhanka kale, waaxda caafimaadka ee Barcelona ayaa durba diyaarinaysa baaritaanka caafimaad ee Rodri, kaas oo ah tallaabada muhiimka ah ee ka horreysa in heshiiska si rasmi ah loo shaaciyo.

Haddii wax walba ay u dhacaan sidii qorshuhu ahaa, Rodri wuxuu dhawaan noqon karaa mid ka mid ah saxiixyada ugu waaweyn ee Barcelona, iyadoo kooxda Catalan ay si weyn ugu tiirsanaan doonto khibraddiisa khadka dhexe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga