DEG-DEG: Chelsea Oo Diiday Dalab Koox Premier League Ah Ku Doonayso Armando Broja.

Chelsea ayaa diiday dalab toos ah oo amaah ah oo ay Wolves ku doonaysay weeraryahanka Armando Broja.

Sky Sports News ayaa soo warinaysay ilaa suuqan in Chelsea ay door bidayso inay iska iibiso Broja hadii uu ka tago kooxda.

Kooxdu waxay u baahan tahay inay iska iibiso ciyaartoy si ay mid kale u keento si ay u ilaaliso xeerka dhaqaale wanaaga.

Armando Broja ayaa si joogto ah ugu ciyaara kooxda chelsea waxana uu door ka yahay qorshaha Tababare Pochettino.

Xiddiga ayaa ilaa haatan kooxdiisa u dhaliyay 1 gool 13 kulan oo uu ilaa haatan u ciyaaray Blues.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga