DEG-DEG: Arsenal Oo Xaqiijisay In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Jorginho.

Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga Khadka dhexe ee Jorginho.

Arsenal ayaa heshiis cusub ku abaalmarisay xiddiga Khadka dhexe kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay.

Kooxda Jorginho ayaa door muhiim ah ka ciyaaraya qaab ciyaareedka fiican ee kooxda Arsenal.

Arsenal ayaa heshiis hal sano ah ka saxiixatay xiddiga isaga oo sii joogi doona kooxda xilli ciyaareedka dambe.

“Jorgi waa qayb muhiim ah oo ka mid ah kooxdeena, ku dayasho leh oo leh xirfado hogaamineed oo heer sare ah”yuu Arteta ka yidhi heshiiska cusub ee xiddiga.

“Waxa uu soo bandhigayaa qaab ciyaareed gaar ah waxana uu fiicneeyaa qof walba oo garoonka ah”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga