Declan Rice Oo La Xidhiidhay Xiddigaha West Ham Ka Hor Maalinta Ugu Dambaysa Premier League

Declan Rice waxa uu la xidhiidhay qaar ka mid ah asxaabtiisii hore ee West Ham isaga oo rajaynaya in uu faa’iido weyn ka helo kooxdiisii hore maalinta ugu dambaysa ee Premier League.

Arsenal ayaa u baahan in Hammers ay dhibco kala soo baxdo Manchester City garoonka Etihad Stadium axada si ay u istaagto fursad kasta oo ay ku soo afjari karto 20 sano oo ay sugaysay horyaalka Premier League.

Maadama ay 2 dhibcood ku hogaamiyso horyaalka premier league Man City ayaa og in guul ay ka gaadho West Ham in ay keenayso in ay horyaalka premier league ku guulaysato markii 4-aad oo xidhiidh ah.

Laakiin hadii ay Man City Dhibco Lumiso isla markaas Arsenal ka badiso Everton kulankooda ugu dambeeya Koobka ayaa aadi doona woqooyiga London.

Rice ayaa doonaya in uu qaab ciyaareedkiisa fiican ku Soo gaba-gabeeyo ku guulaysiga horyaalkii premier league xilli ciyaareedkan.

“Waxaan u malaynayaa inuu [Declan Rice] la xidhiidhay wiilasha Ingiriisiga ah, laakiin farriin iima soo dirin! Waa ciyaaryahan Arsenal ah, sidaas darteed wuxuu daneeyaa Arsenal iyo wax qabadkooda,”daafaca West Ham Vladimir Coufal ayaa u sheegay Sky Sports.

“Qofna lama xiriirin Arsenal, sidaas darteed waxay leeyihiin dagaal iyaga u gaar ah, anaga waxan leenahay dagaal noo gaar ah”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga