Warbixin: Ma Jirtaa Koox Ku Jirta kaalinta 2-aad Ee Horyaalka Premier League Oo Ku Guulaystay Horyaalka Maalinta Ugu Dambaysa Xilli ciyaareedka.

Horyaalka Premier League ayaa lagu kala bixi Doonaa maanta Oo ah maalintii ugu dambaysay xilli ciyaareedka.

Hogaamiyayaash horyaalka ee Man City ayaa la Ciyaari doona kooxda West Ham.

Dhinaca kale Arsenal ayaa la Ciyaari Doonto Everton kulan ay Gunners doonayso In ay samayso wax ay horay u samaysay taariikhda premier league.

Ma Ahan markii ugu horaysay ee ay Arsenal maalinta ugu dambaysa horyaalka premier league gasho iyada Oo ku jirta kaalinta 2-aad.

Koox waligeed ma ku guulaysatay horyaalka ka dib markii ay bilaabeen maalintii u dambaysay ee kaalinta labaad?

Xiligii Premier League tan iyo 1992, ma jirto koox waligeed ka soo baxday kooxda kaalinta koowaad ka gashay booska labaad oo hanatay horyaalka.

Waxaa jiray sagaal dhacdo oo noocaas ah markii tartanka horyaalka La isla gaadhay maalinta ugu dambaysa xilli ciyaareedka.

  1. Blackburn Rovers – Manchester United: 1994-95 (Blackburn waxay ku badisay 1 dhibcood)
  2. Manchester United – Newcastle United: 1995-96 (United waxa ay ku badisay 4 dhibcood)
  3. Manchester United – Arsenal: 1998-99 (United ayaa ku badisay 1 dhibcood)
  4. Manchester United – Chelsea: 2007-08 (United waxa ay ku badisay laba dhibcood)
  5. Chelsea – Manchester United: 2009-10 (Chelsea waxay ku badisay 1 dhibcood)
  6. Manchester City – Manchester United: 2011-12 (City waxay ku badisay farqiga goolasha).
  7. Manchester City – Liverpool: 2013-14 (City waxay ku badisay 2 dhibcood)
  8. Manchester City – Liverpool: 2018-19 (City ayaa badisay 1 dhibcood)
  9. Manchester City – Liverpool: 2021-22 (City waxay ku badisay 1 dhibcood).

Si kastaba ha ahaatee, Arsenal ayaa ah kooxdii ugu dambeysay ee Ingariiska ah ee ku guuleysata horyaalka iyadoo maalintii ugu dambeysay ku jirtay kaalinta labaad xilli ciyaareedkii 1988-89.

Arsenal ayaa maalinta ku bilaabatay iyaga Oo ku jira kaalinta 2-aad isla markaas 3 dhibcood ka dambeeya Liverpool waxana ay u baahnaayeen in ay ka badiyaan Liverpool kulan ka dhacayay Anfield waxana Laga rabay in ay ku badiyaan 2/0

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga