Dean Huijsen Oo Sharaxay Sababta Uu U Diiday Arsenal Iyo Chelsea Si Uu Ugu Biiro Real Madrid.

Dean Huijsen ayaa sheegay in aanu indho u hayn koox kale markii ay Real Madrid muujisay xiisaha ay u qabto saxiixiisa.

Madrid ayaa bixisay lacagtii 50 milyan ee lagu bur-burinayay heshiiskiisa iyaga oo kala soo wareegay kooxda Bournemouth isla markaas maanta si Rasmi ah loo soo bandhigay.

Huijsen ayaa xilli ciyaareed cajiib ah ku qaatay premier League isaga oo ka mid noqday daafacyada ugu fiican yurub.

Kooxaha sida Chelsea, Arsenal, Manchester United iyo Newcastle ayaa dhamaantood lagu tiriyaa inay si weyn u xiiseynayeen Huijsen ka hor inta uusan xiddiga reer Spain heshiis shaqsi ah la gaarin Los Blancos.

Laacibkii hore ee Juventus ayaa qalinka ku duugay heshiis shan sano ah oo uu ku joogayo Bernabeu, waxaana ay qaadan doontaa funaanadda No.24.

“Waad ku mahadsan tahay kooxda iyo madaxweynaha [Florento Perez],” Huijsen ayaa ka sheegay bandhigiisa, halkaas oo uu ku weheliyay waalidkiis.

‘Waxaan rabay inaan halkaan joogo laga bilaabo maalinta koowaad. Tan iyo markii ay Real Madrid soo wacday, indho uma hayn kooxo kale”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga