Champions League Mise Premier League? Kevin de Bruyne Oo Sheegay Tartanka Uu Ku Guulaysan Lahaa.

Kevin de Bruyne ayaa la weydiiyay hadii uu jeclaan lahaa inuu ku guuleysto Premier League ama Champions League.

Galabnimadii Sabtida, Manchester City ayaa guul soo laabasho ah ka gaartay Crystal Palace kulan ka dhacay Selhurst Park.

Kooxda martida loo ahaa ayaa afar daqiiqo gudaheed hogaanka ku heysay waxaana uga mahadcelinaya Jean-Philippe Mateta.

10 daqiiqo kadib De Bruyne ayaa ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah kadib markii uu kubad cajiib ah meel fog ka soo tuuray.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay waxaa 4-1 ka dhigay Rico Lewis, Erling Haaland iyo gool kale oo uu dhaliyay De Bruyne ka hor inta ayna Crystal Palace dhalin goolka 3-aad.

Ciyaarta ka dib, De Bruyne ayaa wax laga weydiiyay hadii uu jeclaan lahaa inuu ku guuleysto Premier League ama Champions League mar uu wareysi siinayay TNT Sports.

Wuxuu yiri: “Malaha Champions League. Way adag tahay in la yiraahdo. midna waan qaadan doonaa.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga