Casemiro Oo Man United Ku Hogaamiyay Wareega 8 Dhamaadka FA Cup-ka.

Casemiro ayaa kooxdiisa Man United ku hogaamiyay in ay u soo baxdo wareega 5-aad ee tartanka FA Cup-ka kadib guushii ay ka gaadheen kooxda Nottingham Forest.

Man United ayaa u gudubtay wareega 8 dhamaadka tartanka FA Cup-ka iyaga oo guul wakhti dambe ah ka gaadhay kooxda Nottingham Forest.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku bilaabatay cadaadis xoogan oo kaga imaanayay kooxda Nottingham Forest si ay goolka 1-aad uga dhaliso Manchester United.

United ayaa dhinaceeda helaysay fursado kadib markii Anthony darbo ku dhuftay birta daqiiqadii 4-aad.

Onana ayaa daqiiqadii 8-aad ee ciyaarta ka hor istaagay xiddiga Nottingham ee Origi halka Matt Turner uu xiddiga McTominay u diiday in uu dhaliyo gool kadib kubad madax ahayd.

qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Kooxda Nottingham Forest ayaa bilawgii qaybtii danbe ee ciyaarta isku dayday in ay dhaliso gool laakiin Onana ayaa sameeyay badbaadino badan oo cajiib ah.

Casemiro ayaa ku guuleystay inuu kooxdiisa udhaliyo goolkii guusha daqiiqadii 89-aad ee qeybta labaad ee ciyaarta, isagoo ku hogaamiyay kooxdiisa Manchester United inay u soo baxdo wareega xiga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga