Caruurta Liverpool Oo Sii Wada Wacdarihii Ay Dhigayeen Wareega 8 Dhamaadkana Ku Hogaamiyay Kooxdooda.

Liverpool ayaa u soo baxday sideed dhamaadka FA Cupka kadib markii ay 3-0 kaga badisay Southampton

Reds ayaa shax caruur u badan ku soo gashay kulanka iyada oo Klopp adeegsanayo xiddigaha da’yarka ah.

Garsooraha ayaa kansalay gool ay Southampton dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta kadib markii uu Offside ka dhaliyay Sekou Mara daqiiqadii 1-aad ee ciyaarta, waxaana birta Liverpool ay ka hor istaagtay kubad uu soo tuuray xiddiga Southampton ee Slimana daqiiqadii 6-aad ee ciyaarta.

Kooxda Southampton ayaa bilawgii qaybtii hore ee ciyaarta ahayd kooxda ugu halista badnayd, waxayna samaynayeen fursado cajiib ah.

Daqiiqadii 45-aad Liverpool ayaa ku guulaysatay in ay la timaado goolka furitaanka waxaana u dhaliyay Luis Comas oo lugta midig ka soo toogtay cidhifka xerada ganaaxa, wuxuuna qaybtii hore ee ciyaarta ku soo dhamaatay gool nadiif ah oo ay Reds hogaanka ku dheeraysatay.

Klopp ayaa is badal ku sameeyay bilawgii qaybtii danbe ee ciyaarta isaga oo Konate ku soo badalay Van Dijk, waxaana fursad hal iyo hal ah ka qasaariyay Jacobo daqiiqadii 52-aad.

Daqiiqadii 75-aad ayay Liverpool heshay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Jayden Dans kaas oo kubad cajiib ah ku dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta waxaana isla xiddigan la yimid goolkii 3-aad ee ciyaarta daqiiqadii 88-aad ee ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool iska xaadirisay wareega 8 Dhamaadka tartanka FA Cup-ka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga