Bruno Fernandes: Halkan Arin Ayaa Naga Go’an Kadib Markii Aan Garaacnay Liverpool.

Kabtan Man United ee Bruno Fernandes ayaa ka hadlay guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Liverpool wareega 8 dhamaadka FA Cup-ka.

Man United ayaa iska xaadirisay wareega Semi-final-ka kadib markii ay garaaceen kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool.

“Waxaan heysanaa koox da’yar, waxay u baahan yihiin waqti, marka ay fursad u helaan inay ciyaaraan waa inay muujiyaan inay leeyihiin tayada ay ugu ciyaaraan Manchester United, waxaan mar walba aaminsannahay, dhibaatadu waxay tahay inaanan ku socon qaab ciyaareedkeena”

“Waxaan siinaa 100% mar walba waxaan siinaa wax walba laakiin kooxdaan mar walba waa inaan heysanaa heerar sare, waa qeyb ka mid ah ciyaarta in la dhaliilo, waana sababta aad ugu ciyaareyso Manchester United”.

“Xilli ciyaareedkan ma uusan joogin heerka aan rabno laakiin waxaan dooneynaa inaan horumar sameyno, waxaan mar walba dhahnay hadafkeena wuxuu ahaa inaan galno afarta sare oo aan isku dayno inaan ku guuleysano FA Cup, waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan ugu gaadhi karno ujeedkaas”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga