Bukayo Saka Oo Jabiyay Rikoodh Uu Dhigay Ryan Giggs

Giggs waxa uu waayihiisa ciyaareed ee Premier League ku soo qaatay Man United.

Wuxuu u saftay 672 kulan oo heer sare ah Red Devils, isagoo kula guuleystay 13 horyaal oo cajiib ah.

Xiddiga reer Wales ayaa dhaliyay 114 gool oo horyaalka ah, xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ee gool dhalinta xilli ciyaareedkii 1993/94.

Waxa uu dhaliyay 13 gool waxana loo diwaan galiyay todobo caawin xilli ciyaareedkii ay Man United ku guulaysatay horyaalka.

iyada oo 10 kulan ka dhimantahay xilli ciyaareedka Saka ayaa haatanba dhaafay Rikoodhkii uu Giggs dhigay.

Xiddiga Arsenal ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 21 gool isaga oo dhaliyay 13 gool ka dhaliyay Premier league waxana uu diiwaan gashaday 8 caawin.

Waxa uu ku socdaal xilli ciyaareedkiisii ugu fiican hadii ay tahay caawinta ama goolasha.

Waxa uu dhaliyay 13 gool oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 14 gool xilli ciyaareedkii hore.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga