Bayern Munich Mise Arsenal? Glenn Hoddle Oo Saadaaliyay Kulanka Adag Ee Champions League.

Glenn Hoddle ayaa aamisan in ay Arsenal fursad u haysato in ay u gudubto wareega Semi-final-ka champions Legaue isla markaas garaacdo Bayern Munich.

Bayern ayaa u safri doonta London Arbacada kulan ka tirsan lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka champions League.

Gunners ayaa haatan hogaaminaysa horyaalka premier League iyaga oo tartan adag kula jira kooxaha Man City iyo Liverpool.

Markii la weydiiyay hadii uu filayo in Arsenal ay ku soo bixi doonto Champions League, Hoddle ayaa u sheegay TNT Sports:”Fursad fiican ayay haystaan”.

“Wax yar ayaan daawaday Bayern Munich xilli ciyaareedkan umana ciyaarayaan sidii ay u ciyaari jireen lamana yaabi doono hadii ay Arsenal garaacdo”.

“Maadama ay laba kulan yihiin, waxa aan qabaa in ay Arsenal u gudbi doonto wareega xiga isla markaas garaaci doonto Bayern Munich”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga