Barcelona Oo Shaacisay Muddada Uu Garoomada Ka Maqnaanayo Marc-Andre ter Stegen

Goolhayaha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Marc-Andre ter Stegen ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo laba bilood ah oo uu u jiifi doono qalliin lagu samayn doono kaddib dhaawac soo gaadhay bishii hore ee November.

Ter Stegan ayaa ka maqnaa saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Barcelona ee horyaalka LaLiga iyo Champions Leage, sidoo kalena waxa aanu dheelin kulamadii xulka Geramny ee bishii hore ee November oo uu ka tegay garoonka tababarka oo uu markii hore iska soo xaadiriyey.

Xavi Hernandez ayaa kooxda da’yarta uga yeedhay Aron Yaakobishvili iyo Diego Kochen, iyadoo Inaki Pena uu noqday goolhayaha koowaad ee kooxda ee uu Xavi ku qasban yahay inuu aamino muddada uu maqnaanayo Ter Stegen.

Wargeyska The Athletic ayaa sheegay, in la go’aamiyey in Ter Stegen lagu sameeyo qalliin sababi doona in bilaha December iyo January uu ka maqnaado garoomada, waxaana uu soo laaban doonaa horraanta bisha February.

Siddeed ciyaarood oo horyaalka LaLiga ah, saddex wareeg oo tartanka Copa del Rey ah, ciyaarta ugu dambaysa wareegga group-yada Champions League iyo sidoo kale tartanka Spanish Super Cup ayuu Ter Stegen ka maqnaan doonaa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga