Jorginho Oo Magacaabay Xiddiga Waqtigan Ugu Fiican Horyaalka Premier League

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Arsenale ee Jorginho ayaa magacaabay ciyaartoyga ugu wanaagsan horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League waqtigan, kaddib markii uu qiimayn ku sameeyey bandhigga 13kii kulan ee illaa hadda ay kooxuhu dheeleen.

Kubbad-sameeyaha xulka Talyaaniga oo sannadkii 2018 ay Chelsea kaga soo iibsatay Napoli lacag dhanayd £50, ayaa waxa uu hadda xilli-ciyaareedkiisii labaad ku qaadanayaa Arsenal oo uu January 2023 usoo wareegay.

31 jirkan oo la weydiiyey ciyaartoyga ugu wanaagsan horyaalka Premier League ayaa taajka saaray kubbad-sameeyaha Manchester City ee Kevin de Bruyne oo laba jeer ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ee PFA, waxaana uu ku tilmaamay mid caqli badan oo cajiib ah, laakiin waxa uu ka horreysiiyey Mohamed Salah oo uu sheegay inuu yahay ciyaartoyga ugu wanaagsan xilligan horyaalka Premier League.

Jorginho ayaa sheegay, in Mohamed Salah uu ku arkay adkaysi layaableh, awood jidheed, orod iyo xoogganaan dhinaca maskaxda ah, sidaasna uu uga hormariyey Kevin De Bruyne.

Xiddiga Arsenal oo waraysi siinayay wargeyska The Athletic, ayaa yidhi: “Kevin De Bruyne waa ciyaartoy cajiib ah, laakiin waxay ila tahay Mohamed Salah waa heer kale. Haa, waxay ila tahay sidaas, Mohamed Salh ayaa ka horreeya.

“Salah aad ayuu u xoogganaa, wuu awood badnaa, wuu dheereeyaa, maskaxdiisu way xooggan tahay… waa uu toogan karaa goolka oo waa uu dhalin karaa.

“Marka aad eegto dhinaca maskax-badnaanta garoonka, Kevin ayaa heer kale ah. Aad ayay u adag tahay in aad calaamadsato oo aad joojiso sababtoo ah mar walba waxa uu taagan yahay booska ugu habboon, mar walba garbahaaga ayaad fiirinaysaa, adiga oo leh ‘Halkee ayuu tegay? sowkii halkan joogay hadda uun? Oo goorma ayuu halkaa tegay?’.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga