Xiddigaha Liverpool Ee Kulanka Caawa Ee Horyaalka Premier League Oo La Shaaciyey – Yaa Ka Maqan?

Jurgen Klopp ayaa liiska ciyaartoyda kooxdiisa ka saaray lix laacib oo muhiim ah oo aan qayb ka noqon doonin kulanka caawa ee Sheffield United, taas oo ay u baahan yihiin in ay helaan guul ay kaalinta labaad ku xajistaan, uguna dhowaadaan Arsenal oo shan dhibcood ka horreysa.

Joel Matip ayaa noqday ciyaartoygii ugu dambeeyey ee ka dhaawacma Liverpool, waxaana laga saaray qaybta dambe ee ciyaartii Fulham. Waxa kasii horreeyey Diogo Jota iyo Alisson Becker oo labadooduba ku dhaawacmay ciyaartii Manchester City ay barbarraha 1-1 la galeen.

Reds ayaa waxa kale oo ka dhaawacan oo aan qayb ka ahayn kulanka Bramall Lane ee Sheffield United, Andy Robertson, Thiago Alcantara, iyo Stefan Bajcetic.

Halkan kaga bogo liiska xiddigaha Liverpool ee kulanka caawa

Goolhayeyaal: Adrian, Caoimhin Kelleher

Difaacyahanno: Joe Gomez, Ibrahima Konate, Virgil van Dijk, Jarell Quansah, Kostas Tsimikas, Trent Alexander-Arnold, Conor Bradley.

Khadka Dhexe: Dominik Szoboszlai, Harvey Elliott, Wataru Endo, Ryan Gravenberch, Alexis Mac Allister, Curtis Jones.

Weeraryahanno: Cody Gakpo, Darwin Nunez, Mohamed Salah, Ben Doak, Luis Diaz

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga