Arsenal ayaa diyaar u ah inay dhageysato dalabyada todobo ciyaaryahan xagaagan, sida ay wararku sheegayaan.
Maamulka Arsenal ayaa Mar kale Arteta ku taageeri doona suuqa kala iibsiga isla markaas u ogolaan doona in uu sameeyo saxiixyo cusub Oo waaweyn.
Gabriel Jesus ayaa haatanba lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Arsenal inkasta Oo Arteta beeniyay wararkaas.
Sida laga soo xigtay Sunday Mirror, Jesus kuma jiro ciyaartoyda ay Arsenal dooneyso inay iska iibiso, laakiin kooxdu waxay u furan tahay inay iska iibiso Aaron Ramsdale, Eddie Nketiah, Emile Smith Rowe, Reiss Nelson Kieran Tierney, Nuno Tavares iyo Albert Sambi Lokonga.
Wararka yaa intaa ku daraya in Arsenal ay sidoo kale ‘qiimeyn doonto’ mustaqbalka Thomas Partey, kaasoo qandaraaskiisa xagaaga uga harsan yahay kaliya hal sano.
Be the first to comment