Manchester City ayaa ku sii dhawaanaysa hanashada horyaalka Premier League kadib markii ay 4-0 ku xasuuqday kooxda Fulham ciyaar ka dhacday Craven Cottage.
Daafaca bidix ee qaab ciyaareedka fiican ku jira Josko Gvardio ayaa soo bandhigay qaab ciyaareedkiisa wacnaa isagoo dhaliyay labo gool.
Gvardiol ayaa fursad u helay in uu dhaliyo gool 3-aad Kadib markii Rikoodhe loo dhigay kooxda man city.
Laakiin xiddiga reer Croatia ayaa iska diiday fursad uu ku dhalin lahaa goolka 4-aad.
“Waxaan ka wada hadalnay inaan rigoorada qaato, dabcan waan jeclaan lahaa, laakiin waxaan haysanaa, xiddigo leh masuuliyada rikoodhada Dhamaadkii Julian ayaa soo galay oo u qaatay inuu goolka dhaliyo.’.
Be the first to comment