Arsenal Oo Samaysay Laba Rikoodh Kadib Guushii Newcastle.

Kooxda Arsenal ayaa sameysay laba rikoor oo cusub Sabtidii kadib markii ay 1-0 ku garaacday Newcastle United kulan ka tirsanaa Premier League.

Eberechi Eze ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta, isagoo saddexda dhibcood siiyay Arsenal kulan ka dhacay garoonka Emirates Stadium.

Guushaasi waxay Arsenal u qaaday hoggaanka horyaalka, iyadoo saddex dhibcood ka sarreysa Manchester City oo kaalinta labaad ku jirta. Si kastaba, Man City waxay leedahay hal kulan oo baaqi ah, maadaama aysan ciyaarin usbuucan sababo la xiriira semi-finalka FA Cup oo ay la leeyihiin Southampton.

Sida ay sheegtay OptaJoe, goolka Arsenal ee kulankan ayaa ka dhigay inay jabiso laba rikoor oo xilli ciyaareed ah oo Premier League ah:

  • Goolasha ugu badan ee laga dhaliyay koornooyin (17)
  • Goolasha ugu badan ee koornooyin laga dhaliyay si lagu bilaabo 1-0 (10)

Hadda, kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta waxay diiradda saari doontaa tartanka UEFA Champions League, halkaas oo ay Arbacada la ciyaari doonaan Atletico Madrid semi-finalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga