Arsenal ayaa gaartay guul qiimo leh kadib markii ay 1-0 kaga badisay Newcastle United, kulan ka tirsanaa wareegga 34-aad ee Premier League, kaasoo ka dhacay Emirates Stadium.
Goolka kaliya ee ciyaarta ayaa yimid markii Eberechi Eze uu shabaqa soo taabtay, kadib kubad koornar ah oo si hoose loo dhigay loona gaarsiiyay Kai Havertz, kaasoo isna u sii dhiibay Eze, kadibna uu ka tuuray darbo qurux badan oo ka timid bannaanka diilinta ganaaxa.
Guushan muhiimka ah kadib, Arsenal waxay kor u qaaday dhibcaheeda ilaa 73 dhibcood, iyagoo hoggaanka u qabtay horyaalka, halka Newcastle United ay ku hartay 42 dhibcood oo ay ku jiraan kaalinta 14-aad.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in Manchester City ay hoos ugu dhacday kaalinta labaad iyadoo leh 70 dhibcood, balse ay haystaan hal kulan oo dib u dhac ah oo ay la ciyaari doonaan Crystal Palace.
Be the first to comment