Arsenal Oo Garaacday Everton Laakiin Ku Fashilantay Ku Guulaysiga Horyaalka Premier League.

Kooxda Arsenal ayaa garaacday kooxda Everton iyaga oo guul ku soo xidhay xilli ciyaareedkooda premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh iyada oo ay Arsenal dareemayso cadaadis inkasta oo ay baacsanaysay kooxda Man City.

Everton ayaa ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah iyaga oo difaac ku jiray.

Arsenal ayaa ku dhibaatoonaysay in ay dhaafto daafaca Everton kuwaas oo awoodooda oo dhan ku difaacanayay.

Daqiiqadii 40-aad ayay Everton ku dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Idirssa Gueye kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Arsenal ayaa isla markiiba fal celin samaysay waxana ay qaadayeen weeraro aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 43-aad ayay Arsenal dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay Takehiro Tomiyasu kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood bar-baro ku yihiin labada kooxood.

Qaybta dambe ayay Arsenal sii waday dadaalada ay ku doonayso bar-baraha iyaga oo cadaadis waali ah saaray Everton.

Kooxda Arsenal ayaa daqiiqadii 89-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Kai Havertz kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga