Real Madrid, Liverpool, PSG mise ….? Mustaqbalka Kylian Mbappe Oo Dhinac U Dhacay

Mustaqbalka weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe ayaa u muuqda inuu ugu dambayntii dhinac u dhacay, waxaana xogtii ugu dambaysay helay kooxaha waaweyn ee raadinaya ee Real Madrid, Liverpool, Manchester United iyo xataa kooxdiisa PSG oo uu xor ka noqonayo xagaaga.

Paris Saint-Germain ayaanay waxba faraha ugu jirin oo bisha January ee foodda inagu soo haysa uu sharcigu dhigayaa inay u ogolaato Mbappe inuu la xaajoodo kooxda uu doono, isla markaana heshiis hordhac ah lasii gaadho, isaga oo waliba xagaaga si bilaash ah ku tegaya kooxda uu heshiiska lasii galo.

24 jirkan ayaa xagaagii ku qasbay kooxda inay iibiso isaga oo iska diiday inuu dhaqangeliyo qodob ku jira heshiiskiisii sannadkii hore oo dhigayay in sannad saddexaad oo dookh ah la dhaqangeliyo ka hor inta aanu bilaabmin xilli-ciyaareedku, kaas oo uu isaguna diiday.

Mbappe ayaa hore ugu caddeeyey kooxdiisa in uu ka fiirsanayo mustaqbalkiisa, waxaase dedaal badan samaynayay Madaxweynaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi oo quusan la’, hase yeeshee waxa hadda ay wax walba u dheelliyeen dhinaca Real Madrid oo bisha January ay miiska wada-fadhiisan doonaan.

Real Madrid ayaa bisha January waxay wada-hadallo toos ah la yeelan doontaa Kylian Mbappe iyo qoyskiisa iyadoo wakiil ay u tahay hooyadii, waxaana ay isla meeldhigi doonaan gunnada uu laacibkani dalbanayo si uu bilaash ugu wareego Santiago Bernabeu, mushaharkiisa iyo tirada sannadaha heshiiska uu Los Blancos u saxeexayo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga