Alexander-Arnold, Alonso, Mbappe, Ramsdale, Diaz & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh.

Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa u balan qaaday Kylian Mbappe in kooxdu ay sidoo kale la soo saxiixan doonto labada daafac dhexe ee Lille Leny Yoro iyo daafaca bidix ee Bayern Munich Alphonso Davies xagaagan (Defensa Central).

Kooxda Arsenal ayaa Real Madrid wax ka waydiisay saxiixa Goolhaye Andriy Lunin oo ay u arkaan badalka Aaron Ramsdale (Defensa Central).

Chelsea ayaa aad u doonaysa weeraryahanka Barcelona Ferran Torres kaas oo la filayo in lagu heli karo qiimo sax ah (Fichajes).

Kooxda PSG ayaa doonaysa in ay sida ugu dhakhsaha badan u dhamaystirto saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Liverpool ee Luis Diaz (Le10Sport).

Manchester United ayaa diyaar u ah inay xoojiso xiisaha ay u qabto daafaca dhexe ee Juventus Bremer, kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 43 milyan (Mirror).

Kim Min-jae ayaa laga yaabaa in loo soo bandhigo fursad uu ugu biiro Inter xagaagan ka dib markii dhawaan laga cawday doorkiisa Bayern Munich (Gazzetta dello Sport).

Arsenal ayaa diyaar u ah inay kula dagaalanto labada kooxood ee Liverpool iyo Tottenham Hotspur saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Atalanta Teun Koopmeiners, kaasoo dhawaan shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu ka tago kooxdiisa haatan (Giorgio Dusi).

Hadii ay ku fashilmaan in ay Man City ku qanciyaan i ay hoos u dhigaan qiimaha Jaoa Cancelo, Barcelona ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa daafaca midig ee kooxda Sporting Lisbon Ivan Fresneda (Fichajes).

Real Madrid ayaa sare u qaaday xiisaha ay u qabto 25 jirka daafaca uga ciyaara Liverpool ee Trent Alexander-Arnold kaas oo qandaraaskiisu dhacayo sanadka soo socda (Relevo).

Tababaraha Bayer Leverkusen Xabi Alonso ayaa ku biiri doona Bayern Munich halkii uu ku biiri lahaa Liverpool hadii uu ka tago kooxdiisa haatan (Sky Sports News).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga